• Hem
  • Vår politik på ...
sida

Vår politik på somaliska

Magaalada Trollhättan maanta waxay ku sugantahay dhaqaalo darro taasna waxay saamaynaysaa horumarka dalka gudihiisa. Vänsterpartiet ayaa doonaya in Sweden mar kale noqoto wadanka ugu sinnaanta fiican adduunka oo eh xagga bulshada. Waxaan rabnaa Iswiidhan in aan ka dhigno wadan oo qof walbo u siman yahay oo uma gaar aha dadka ugu qanisan oo kaliya.

Carruurteena iyo dhallinyaradeena waxaannu aaminsan nahay iskuul dadweyne oo isku mid ah meel kasta oo aad aduunka ka joogto. Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada waa in la siiyaa qiimo badan oo eh xagga dhaqanka ama ha ahaato waqtiyada firaaqada oo ardayga xaqqa u leeyahay oo eh firfircooniga . Waxaan rabnaa in aan dareen gaar ah u yeelano xanaanada caruurta. Tani waa meesha ay carruurtu kasoo dhismaan oo ay kusoo barbaaraan si ay hadhoow noogu fududaato waditaanka waxbarashadooda iyo horumarkooda. Waxaan rabnaa:
– In la yareeyo kala soocitaanka ee xannaanada carruurta
– Shaqaalaha dugsiga xannaanada iyo barbaarintu waa inay awoodaan inay waqti badan ku qaataan hawlahooda waxbarasho
– Dhammaan carruurta waxay xaq u leeyihiin ugu yaraan 25 saa cadood vistelsetid

Waayeelkayaga
Daryeelka waayeelka waa in uu lahaadaa lacag yar, cunto tayo sarre leh oo abuuro xaalado nololeed oo wanaagsan. Waxaanu aaminsan nahay daryeelka waayeelka, sinaanta iyo dadweynaha ee waayeelka. Waxaan rabnaa:
– Kordhinta shaqaalaha aasaasiga ah
– Soo bandhig adeegga guriyeynta bulshada si loola dagaallamo go’doominta iyo kelinimada
– Qorshaha maareynta xirfadaha dhammaan shaqaalaha

Shaqaalahayaga
Dad badan oo ka mid ah shaqaalaha degmada ayaa ka fariistay waxaanan u baahanahay inaan helno shaqaale cusub. Sidaa darteed waa in degmada ay noqoto shaqaale soo jiidasho leh. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu shaqeeyo, guriyeyn iyo nolol wanaagsan. Waxaan rabnaa:
– In la bilaabo tijaabinta lixda saacadood ee shaqo maalmeedka oo mushahar la sii hayo oo ku lug leh hawlaha ku habboon
– Ku dadaal inaad hoos u dhigto safarada la wadaago oo ugu dambeyntii tirtirto kuwan
– Maalgelinta horumarinta xirfadaha, deegaanka shaqada iyo mushaharka
Magaaleena

Wadajir ayaan wada dhisi karnaa Trollhättan xoog leh oo isku dheelitiran.

Nagu saabsan Vänsterpartiet
waa xisbi-bulsheed iyo mid dumar ah oo ku salaysan habka deegaanka. Waad noo codeyn kartaa degmada, gobolka iyo baarlamaanka.

Adiga oo haysta xuquuqda codbixinta waxaa lagu siin doonaa kaarka codbixinta boostada ilaa seddex isbuuc ka hor doorashada. Kaadhka codbixinta wuxuu sheegaa fursadaha codbixinta ee aad haysato xuquuqda codbixinta, sidoo kale magaca, cinwaanka iyo saacadaha furitaanka ee goobta doorashada lagu qabanaayo.

Dela den här sidan:

Kopiera länk